Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Joachim Waern. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada badan ee labada dal.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada mas’uul waxay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga istiraatiijiyadeed, isuduwidda dhinacyada badan, iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Soomaaliya. Wasiirka iyo Safiirka ayaa caddeeyay sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado wadahadallada mugga weyn leh ee lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Safiirka Sweden, Mudane Joachim Waern, ayaa sidoo kale muujiyay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda iyo horumarka. Waxa uu bogaadiyay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixisay dib-u-habaynta dastuurka, horumarka laga sameeyay Golaha Wada-tashiga Qaranka (NCC), iyo hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod ah, oo guulo waaweyn oo dhanka dimuqraadiyadda ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, iyadoo la isla gartay in la dardar geliyo wadashaqeynta ku dhisan danaha labada shacab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....