Madaxweynaha Hirshabeelle oo Raagge-Ceelle u tagay dardargelinta la dagaallanka Khawaarijta

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta gaaray degmada Raagge-Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu u dardargeliyo abaabulka gulufka mideysan ee ka dhanka ah Khawaarijta. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu mideynayo howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda deegaannada Hirshabeelle.

Intii uu ku sugnaa Raagge-Ceelle, Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha degmada, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka, isagoo dhiirrigeliyay isku-duubnida iyo adkeynta diyaar-garowga. Wuxuu tilmaamay in gulufka cusub uu ka bilaaban doono deegaanno badan oo muhiim ah, isagoo xusay in kulanka xiga lagu qaban doono deeganada ku jira gacanta Khawaarijta.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale ku booriyay bulshada deegaanka in ay ka qeyb qaataan dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isagoo carabka ku adkeeyay in la joogo xilligii la xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo shacabka si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

Kormeerka Madaxweynaha ee Raagge-Ceelle ayaa muujinaya sida ay dowladda Hirshabeelle uga go’an tahay in ay sii waddo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo la isku duuban yahay si loo xaqiijiyo amniga iyo horumarka deegaannada maamulka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...