Madaxweynaha Hirshabeelle oo Raagge-Ceelle u tagay dardargelinta la dagaallanka Khawaarijta

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta gaaray degmada Raagge-Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu u dardargeliyo abaabulka gulufka mideysan ee ka dhanka ah Khawaarijta. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu mideynayo howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda deegaannada Hirshabeelle.

Intii uu ku sugnaa Raagge-Ceelle, Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha degmada, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka, isagoo dhiirrigeliyay isku-duubnida iyo adkeynta diyaar-garowga. Wuxuu tilmaamay in gulufka cusub uu ka bilaaban doono deegaanno badan oo muhiim ah, isagoo xusay in kulanka xiga lagu qaban doono deeganada ku jira gacanta Khawaarijta.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale ku booriyay bulshada deegaanka in ay ka qeyb qaataan dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isagoo carabka ku adkeeyay in la joogo xilligii la xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo shacabka si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

Kormeerka Madaxweynaha ee Raagge-Ceelle ayaa muujinaya sida ay dowladda Hirshabeelle uga go’an tahay in ay sii waddo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo la isku duuban yahay si loo xaqiijiyo amniga iyo horumarka deegaannada maamulka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted Her Excellency Sophie,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Saciid Maxamuud Axmed 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...