MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY MEERTADA 34-AAD EE JAAMACADDA CARABTA

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, isagoo ka hadlay xaaladda dalka, mowqifka dowladda Federaalka ee arrimaha gobolka iyo Carabta.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Hoggaamiyeyaasha Carbeed dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib u dhiska hay’adaha dowladda, sugidda amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo kobcinta dhaqaalaha, taas oo suurta gelisay in horumar laga sameeyo dhismaha dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xoogga saaray mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan qaddiyadda Falastiin, waxa uuna caddeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka reer Falastiin, gaar ahaan xilligan adag ee ay la kulmayaan duullaanka iyo gabood-fallada ka socda Marinka Qasa.

“Qaddiyadda Falastiin waa imtixaan ina horyaal Carabteenna; Soomaali ahaan, waxaan qabnaa in la dhiso Dowlad Falastiin ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna ay tahay magaalada Quddus”.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey in cunqabataynta laga qaaday dalka Suuriya, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa dib u soo kabashada dalkaas walaalaha ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa muujiyey taageerada Soomaaliya ee midnimada, madax-bannaanida, iyo dowladnimada dalka Suudaan, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan wadajirka shacabka Suudaan iyo xasiloonida dalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...