Wasiirka Amniga oo guddoomiyey shir looga hadlayay dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Agaasimeyaasha Hey’adda ee ka kala socday maamul goboleedyada dalka, ayaa wasiirka warbixin faahfaahsan ka siiyey howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Shirka ayaa lagu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda ee gobolada dalka, lana isku waafajin lahaa nidaamyada shaqo ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Shirka ayaa sidoo kale lagu lafa-guray caqabadaha jira, fursadaha horumarineed iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tayada adeegyada loo hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiir Fartaag ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta hey’adda in la kordhiyo wada-shaqeynta iyo isafgaradka ka dhaxeeya heerarka kala duwan ee maamulka, si bulshada loogu adeego si hufan, amnigana loo adkeeyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...