Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Date:

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka sagootiyay xujeydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee sanadkan, kuwaas oo tiradoodu gaareyso 431 ruux, kuwaasoo u safraya gudashada waajibaadka acmaasha xajka.

Munaasabadda sagootinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Robow Cali; Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Caaji Aadan; Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuux; Guddiga Xajka iyo mas’uuliyiin kale.

Tirada guud ee xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan 1446 Hijriya safri doonta ayaa lagu qiyaasay ilaa 11,500 ruux, kuwaas oo maanta ka kala dhoofaya garoomada diyaaradaha ee Hargeysa, Puntland, iyo Muqdisho. Howlaha dhoofinta xujeyda ayaa si rasmi ah u billowday 9-ka May 2025, waxaana la qorsheeyay inay socon doonaan illaa 31-ka bishan.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS, iyadoo kaashaneysa Guddiga Xajka iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sucuudiga, ayaa dadaal ugu jirta sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si habsami leh oo hufan u gudan lahaayeen waajibaadka xajka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...