Ciidamada ammaanka iyo Maamulka Degmada Matabaan oo ku baxay daminta colaad beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaanno hoos taga degmadaas

Date:

Ciidamada ammaanka ee ka tirsan Nabad Sugidda (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo Maamulka Degmada Matabaan, ayaa si degdeg ah uga falceliyay colaad beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaanno hoos taga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Tallaabadan ayaa ujeedadeedu tahay in la joojiyo dhiigga daadanaya, la kala dhexgalo beelaha is haya, isla markaana loo sameeyo hannaan nabadeed oo waara. Ciidamada ayaa gaaray goobaha ay xiisaddu ka taagan tahay, halkaas oo ay ka wadaan dadaallo nabadeed iyo kala dhexgalid beelaha walaalaha ah ee isku haya arrimo la xiriira dhul-daaqsimeed iyo xoolo.

Maamulka degmada Matabaan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xasillinta deegaanka iyo in laga hortago in colaadahaasi ay sii fidaan. Waxaa sidoo kale la filayaa in odayaasha dhaqanka, culimada iyo qeybaha bulshada laga qayb geliyo dadaallada nabadeed ee socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...