DEG DEG: Ra’iisal wasaaraha XFS oo isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale oo akhriyay liiska xubnaha la magacaabay ayaa sheegay isku shaandheyntani ay saameyneyso xafiiska ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda, wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wasaaradda Gaashaandhiga.

Ra’iisal wasaaraha markii uu arkay qodobada 97-aad, 98-aad iyo 100-aad ee Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee horyaala xukuumadda DanQaran, markii uu Ra’iisal wasaaruhu tixgeliyay talada madaxweynaha JFS,islamarkaana garowsaday baahida loo qabo magacaabidda xubnahan golaha wasiirada, waxaa Ra’iisal wasaare mudane Xamsa Cabdi Barre uu magacaabay xubnahan soo socda:-

1. Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi waxaa loo magacaabay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

3. Mudane Amb: Axmed Macallin Fiqi Axmed, waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda Gaashaadhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...