Wasiirka Imaan Cige oo khudbad ka jeediyay Shirka Bangiga Adduunka ee horumarka Dhaqaalaha

Date:

Wasiirka MaMaaliyadda Federaalka Soomaaliya  Mudnae Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Washington DC ayaa ka qeyb galay shirka Hormarinta dhaqaalaha ee Bangiga Adduunka.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika ayaa Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu ka jeediyay  khudbad uu nuxurkeeda uga hadlay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada Xukuumadda ee ah kobcinta dhaqaalaha iyo maalgalinta fursadaha muhiim ah oo ay shaqo abuur u noqon kara bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sidoo kale hadal-jeedintiisii waxa uu diiradda ku saarey sidii looga gudbilahaa xaaladda u jilicsanaanta xiliyada adag, isagoo tilmaamay in Dowladdu dajisay qorsheyaal muhiim u ah u adkeysiga aafooyinka dhaca xiliyada qaar.

Marka loo eego xaaladda dalalka soo koraya, colaadaha iyo masiinooyinka dabiiciga ahna ay ku dheceen, Soomaaliya waxa ay hoggaaminayaa sida loo maro dhabbaha soo kabashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Algiers kulan miradhal...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Congo

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, ahna...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo gaaray magaalada gaaray Magaaladda Kampala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...