Kulamo lagu xoojinaayo Amniga oo lagu qabtay Masagawaa 

Date:

Magaalada Masagawaa ee bariga gobolka Galgaduud ayaa martigelisay kulan amni oo heer sare ah, kaasoo ay isugu yimaadeen xildhibaano, wasiiro, iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la dardargeliyo howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ku sugan deegaannada miyiga ah.

Kulanka oo aan saxaafaddu si toos ah uga qaybgelin ayaa lagu falanqeeyey xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha amniga iyo madaxda deegaanka, si loo ciribtiro khataraha argagixisada. Waxaa kulanka kasoo baxay qodobo la xiriira adkaynta wada shaqeynta iyo hagida istaraatijiyadeed ee ciidamada.

Waxaa ka qaybgalay Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul, Wasiirka Dastuurka ee Galmudug, Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Jeneraal Cabdullaahi Caraaye Cosoble (Gacma Duule), iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Masagawaa ayaa horey ugu caan baxday kaalin muhiim ah oo ay ku leedahay abaabulka howlgalada milatari ee lagula dagaallamayo argagixisada, waxaana kulankan uu daliil u yahay dadaalka sii socda ee lagu xaqiijinayo amni buuxa oo ka hanaqaada guud ahaan gobolka Galgaduud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...