Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay madaxtooyadda Qaranka Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Dalka aanu walaalaha nahay Jabuuti ahna Madaxweyne ku xigeenka CAF iyo xubin ka tirsan Golaha FIFA (FIFA Council), Mudane Souleiman Hassan Waberi.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida Qarankeenna ugu faraxsan yahay ka mid noqoshada xubinnimada FIFA ee Jabuuti, wuxuuna sidoo kale sheegay inay ka go’an tahay is-dhaafsiga khibradaha xiriirka noocyada kala duwan ee ciyaaraha.

Kulanka uu madaxweynaha la yeeshay Mudane Souleiman Hassan Waberi waxaa ku weheliyay wasiirka Dhallinyarafa iyo Ciyaaraha XFS, Gudoomiyaha xiririirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...

Ciidamada Haramcad iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal wadajir ah ka sameeyay duleedka Baraawe

Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka Xoogga...