Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in awoodda argagixisada la wiiqay kadib muddo labo sano oo howlgal xiriir ah

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta sheegay in kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab la wiiqay awooddooda kadib muddo labo sano oo xiriir ah oo howlgal dowladdu ay hoggaaminaysay oo ahaa duulaan milatari, iyo istiraatiijiyado lagu xanibay dhaq-dhaqaaqdooda maaliyadeed, laguna baabi’iyay fikirkooda wax-burburinta ah.

Wasiirka oo galabta ka hadlayay munaasabad lagu taageerayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, ayuu ku dhawaaqay in Wasaaraddiisu ku deeqayso hal gaari oo taakullo ah oo ah raashiin qalalan.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay in marnaba aanay suurragal noqonayn in argagaxisadu gacanta ku dhigto dalka, isaga oo caddeeyay in dadka Soomaaliyeed ay ku dhiiradeen la dagaalanka khawaarijta, kuna booriyay siyaasiyiinta in ay garab-istaag u muujiyaan ciidanka qaranka ee dalka iyo dadka difaacaya, isaga oo Allah uga baryay inuu jannadiisa Fardowsa ku galladaysto shuhadada ciidamada qalabka sida iyo xoogagga macawiislayda ee ka barbar-dagaalama, caafimaad-qab iyo bogsasho degdeg ahna ugu deeqo kuwa ka dhaawacmay.

Wasiirka ayaa xusay in ciidanka XDS kuwa dhufayska ku jira iyo kuwa kale ee weerar-tagaya ee u dagaalamaya jiritaanka dalkani iyo dowladdiisa ay qiimo weyn ugu fadhiyaan, ayna yihiin kuwa xaq u dagaalamaya oo bedqabka dadka ka shaqaynaya, isaga oo ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inay garab-istaag iyo taageerro u muujiyaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...