Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ciidamada Xoogga dalka ugu hambalyeeyey sanadguurada 65-aad

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sanadguurada 65–aad ee ka soo wareegatay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa tilmaamay ahmiyadda Ciidanka Xooga Dalka ay u leeyihiin jiritaanka dowladnimadeena iyo difaaca qaranimadeena, isaga oo bogaadiyay dadaalka ay mar walba ugu jiraan ciribtirka cadowga lidiga ku ah dowladnimadeena.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle SWT uga baryey dhammaan geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dadkooda, diintooda iyo dalkooda inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo kuwa dhaawac ahna bogsiimo deg deg ah siiyo, waxa uuna bogaadiyey dadaalka ay mar walba ugu jiraan ciribtirka Khawaariijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...