๐–๐š๐ฌ๐ข๐ซ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Š๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ ๐Š๐ฎ ๐“๐š๐ ๐ญ๐š๐ฒ ๐ช๐š๐š๐ซ ๐ค๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐ญ๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐.

Date:

Dr. Maryama Mohamed Hussein, Wasir dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, ayaa kormeer shaqo ku tagtay qaar ka mid ah isbitaalada danta guud ee magaalada Muqdisho. Kormeerkan ayay ujeedadiisu ahayd mid ay si dhow ugu ogaanaysay xaaladaha caafimaad ee bukaanada iyo adeegyada kala duwan ee lagu bixiyo xarumahan haar ahaan Isbitaalada Banaadir, Madiina, DeMartino iyo Erdugan EX Digfeer.

Intii ay ku guda jirtay kormeerka ayay Dr. Maryam waxay la kulantay bukaanada ayadoona xog wareestay si ay u ogaato xaaladahooda caafimaad iyo adeegyada ay helayaan bukaanada ayaa uhelay fursad ay ku gudbin karaan hadii ay jiraan dhibaatooyin ay la kulmaan iyo talooyinkooda si loo hagaajiyo adeegyada.

Sidoo kale wasiir dowlaha ayaa warbixino ka dhageysatay maamulada isbitaalada waxayna la wadaageen habsami u socodka shaqo iyo caqabadaha jira ugu danbayn maamulada isbitaaladda ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo adeegyada caafimaad ee loo fidiyo bulshada.

Wasir dowlaha ayaa ugu danbayn ku amaantay howl-wadeenada caafimaadka, iyadoo xustay sida ay u dadaalayaan si ay u daryeelaan caafimaadka shacabka. Dr. Maryam waxay sidoo kale ku dhiiragelisay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyadoo sheegtay in shaqada ay qabtaan ay tahay mid aad u muhiim ah oo saameyn weyn ku leh nolosha dadka ayadoona u xaqiijisay in Wasaaradda ay ka goโ€™an tahay in ay taageerto shaqaalaha caafimaadka iyo in la xoojiyo adeegyada caafimaad si loo gaaro natiijooyin wax ku ool leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo...

Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...