Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo ka qeybgalay kulanka dhiggiisa Baarlamaanka Adduunka

Date:

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) oo safar shaqo ku jooga wadanka Uzbekistan ayaa ka qeyb galay kulanka 150-aad ee xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka oo ka dhacay Magaaladda Tashkent ee caasimadda wadankaasi.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka qeyb galayaasha kulanka la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha Baarlamaanka Soomaaliya, shuruucda uu ka shaqeeyay iyo sidoo kale horumarka uu sameeyay

Sidoo kale xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa ka qeyb galay kulanka guddiga fulinta ee xoghayaasha baarlamaanadda carabta kaas oo horudhac u ahaa kulanka golaha guud ee Baarlamaanka aduunka oo ka dhici doona wadanka Aljeeriya, waxaana guddiga inta kulanka uu socday meelmariyay Ajendaha kulanka guud.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa qeyb ka ah wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...