Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku casuumay dhiggiisa dalka Uganda

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqasho rasmi ah ku tagay dalka Uganda ayaa casuumaad rasmi u fidiyay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Madaxwane Yoweri Museveni ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh uga mahad celiyay booqashadiisa, isaga oo ka aqbalay casuumaadda rasmiga ah ee uu ku imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu muddada soo aaddan.

Dhanka kale Labada Madaxwayne ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaw ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda, iyagoo sidoo kale ka wada-hadlay xaaladda amniga ee gobolka, waxayna hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo ilaalinta xasilloonida iyo amniga gobolka geeska Afrika.

Dowladda Uganda ayaa qeyb wayn ka ah howlgalka cusub ee AUSOM, iyadoo ugu qeyb qaadaneyso ciidan tiradiisa lagu sheegay 4,500, taas oo ka dhigan in ay tahay dowladda ugu badan ciidan ahaan howlgalka cusub ee AUSOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...