Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku aaddan dagaallada socda ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyada oo goluhu bogaadiyey geesinimada iyo naf-huridda ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka kula jira Khawaarijta, isla markaana caddeeyey muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo booqashada furimaha dagaalka, si loo dhiirageliyo geesiyaasha Qaranka u halgamaya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulanka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyey booqashadii uu ku tagey furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose maalintii ciidda, isaga oo golaha faray in la joogteeyo taakuleynta iyo garab-istaagga ciidanka Qaranka.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa golaha la wadaagtay halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira, iyada oo Wasaaraddu caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey), si loo cayimo goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.

Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiiragelinta Maalgashiga ee ku aaddan Agaasime ku-xigeenka Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Daahir oo loo cusbooneysiiyay muddo xilleedka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud,...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo ka qaybgalay shir looga hadlay horumarinta Dekedaha Bariga Dhexe iyo Afrika.

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gaaray Dalka Ciraaq

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...