Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay Midowga Afrika Gaadiidka gaashaaman iyo Agab Ciidan

Date:

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka guddoontay Midowga Afrika Gaadiidka Gaashaaman iyo agab Ciidan kuwaas oo muhiim u ah xoojinta kaabayaasha amniga, kana qeyb-qaadanaysa xasilloonida Gobolka.

Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, ahna Ergeyga Joogtada ee Midowga Afrika, Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa agabkani kaga guddoomay magaalada Douala ee Dalka Cameroon koox matalaysay Saldhig qaaradeedka Saadka ee Midowga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo (CLB).

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mahadnaq iyo bogaadin u diraysaa Midowga Afrika taageeradiisa joogtada ah, taasi oo xoojinaysa amniga gobolka, la dagaalanka argagaxisada,xaqiijinta hiigsi-wadaagga loogu saldhigayo xasillooni waarta oo ka taaba-gala guud ahaan qaaradda Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...