๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐˜†๐—ฏ ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ท๐—ถ๐—ฟ ๐—ฎ๐—ต ๐—ผ๐—ผ ๐—ฎ๐˜† ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐˜€๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ป ๐—˜๐—”๐—– ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฆ๐—”๐——๐—–

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xalay ka qaybgalay kulan madaxeed wadajir ah oo ay yeeshaan dalalka xubnaha ka ah urur gobolleedyada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee EAC iyo SADC.

Kulanka oo ahaa mid ku dhacay aaladda fogaan-aragga, ayaa looga hadlay xaaladda amni darro ee ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlay kulanka ayaa waxa uu sheegay in xaaladda biniโ€™aadanimo ee ka jirta Bariga Congo ay masuuliyad ka saaran tahay dalalka gobolka in ay xal u helaan, isla markaana si degdeg ah wax looga qabto.

Mudane Xamsa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay aaminsan tahay in nabad waarta oo laga gaaro DRC lagu heli karo qorshe dhameystiran, oo ay ka qayb qaataan dhammaan dhinacyada is haya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika si xal kama dambeys ah oo amni loogu helo dagaalka.

War murtiyeed ka soo baxay shirka wadajirka ah ee labada urur ee EAC iyo SADC ayaa waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo ah Madaxweynayaal hore kuwaasi oo ka shaqeyn doona xal u helidda arrinta DRC, waxaana ay kala yihiin:

1. Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo.

2. Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta.

3. Madaxweynihii hore ee South Africa, Kgalema Motlanthe.

4. Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Catherine Samba Panza.

5. Iyo Madaxweynihii hore ee Ethiopia, Sahle-Work Zewde.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka heyโ€™adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...