๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiska ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, oo maanta booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku yimid dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta u dhaxeysa Midowga Afrika iyo Soomaaliya, gaar ahaan amniga, la dagaallanka Khawaarijta iyo doorka hawlgalka cusub ee AUSSOM ee Midowga Afrika.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha in uu safarkiisii ugu horreeyay ku yimaado Muqdisho, taas oo muujineysa ahmiyadda uu Midowga Afrika u leeyahay Soomaaliya, waxa uu Raโ€™iisul Wasaaruhu ka hadlay guulaha waaweyn ee dowladda Soomaaliyeed ka gaartay dhinacyo kala duwan, gaar ahaan dagaalka xooggan ee lagu ciribtirayo Khawaarijta oo halis ku ah amniga guud ee gobolka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yusuf oo ugu horreyn ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Qadar oo yeeshay kulan muhiim ah

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Faahfaahin ka Bixiyay Qaraar ku Saabsan Khayraadka Dabiiciga ah oo uu Meel Mariyay Baarlamaanka West Virginia.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac,...

Buulo-burde oo u gudubtay wareegga afar dhamaadka ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Buulo-Burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa u...

Wasaaradda Batroolka XFS iyo West Virginia oo Iska kaashanaya Sahminta iyo Soo Saarista Macdanta Muhiimka ah

Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta XFS iyo Gobolka West...