Shir looga hadlaayo yareynta khataraha ka dhasha Abaaraha oo ka socda Magaalada Nairobi 

Date:

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Africa Risk Capacity (ARC) ayaa yeeshay shir loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta abaarta ee haatan ka jirta Soomaaliya kaas oo maalintii 3-aad ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka oo looga dooday xaaladda abaarta ee ka sii dareysa, sida loogu baahan yahay in Hay’adaha dowladda ay u midoobaan sidii wax looga qaban lahaa daruufta taagan iyo qodobbo kale, waxaana goob-joog ahaa xubno ka socday Baarlamaanka JFS oo kala matalayay Guddiga Maaliyadda, Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Arrimaha Beeraha.

Madaxda Hay’adda SoDMA iyo hay’adaha kale ee shaqo wadaagga la ah SoDMA ee kala ah ARC, START NETWORK iyo WFP, waxa ay warbixin ka siiyeen Xildhibaannada ka socday guddiyada Baarlamaanka JFS nidaamka ceymiska looga gaashaanto abaaraha oo ay Soomaaliya xubin ka tahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka...

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta...