Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo hoygiisa ku qaabilay xubno ka tirsan Golaha Warbaahinta

Date:

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa caawa hoygiisa ku qaabilay xubno ka tirsan Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed.

Xubnahan gudomiyaha Baarlamaanka Galmudug uu martiqaadka u sameeyay ayaa kala ah Madaxa Tababarrada Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed Hinda Jaamac iyo Lataliyaha sare ee Golaha Abdiqani Cabdullaahi, kuwaas oo howlo shaqo maalmahan u joogay magaalada Dhuusamareeb.

Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ku bogaadiyey shaqada wanagsan ee uu Golahu u hayo qeybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka, isagoo tilmaamay in loo baahanyahay in warbahinta wadanka gaar ahaan tan Galmudug in xirfadooda sara loo qaado si ay u ogadaan xuquqdooda iskana ilaaliyaan inay ka baxaan xeyndaabka suxufinimmo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed uu xafiisyo ka furto Galmudug si door muuqda uga qaato garaad dhiska suxufiyiinta Soomaaliyeed, si loo xoojiyo xiriirka Warbaahinta iyo dowladda.

Agaasimaha Waaxda Tababarrada ee wasaaradda Warfaafinta Galmudug Mudane Xassan Cabdiraxmaan oo isna meesha ka hadlay ayaa golaha markale ugu mahadceliyey qaban-qaabinta Tababarrada Golaha Warbaahinta u qorsheeyey Galmudug ee ugu dambeeyay kii maanta lagu soo xiray Dhuusomareeb, kaas oo ay ka faa’iideysteen suxufiyiin ka socday qeybaha warbaahinta Galmudug.

Madaxa Tababarrada Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed Hinda Jaamac iyo Lataliye sare Cabdiqani Cabdullaahi oo Guddoomiyaha Baarlamaanka uga mahadceliyay martiqaadkiisa ayaa uga warbixiyay doorka muhiimka ee Golahu ka qaadanaya sare u qaadidda xirfadaha iyo horumarinta warbahinta Soomaliyeed, iyagoo tilmaamay inay si dhow ula shaqeyn doonaan qeybaha kala duwan ee warbahinta Galmudug ka howlgasha si loo xoojiyo xiriirka suxufiyiinta iyo dowlad gobolleedka Galmudug.

Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu howlan sidii sare loogu qaadi lahaa tayada Warbaahinta dalka, si kor loogu qaado wacyiga suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo maanta Tababar socday 3 maalin ku soo xiray magaalada Dhuusamareeb.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...