Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliye Sare ee rrimaha difaaca

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan in ay noqoto La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Difaaca ee Madaxweynaha.

Marwo Jihaan ayaa horey u soo noqotay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Amniga iyo Dib-u-habaynta Ciidamada ee Xafiiska Madaxweynaha tan iyo Agoosto 2023, iyadoo door muhiim ah ka qaadatay kala guurka Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) iyo hirgelinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Muddo 13 sano ah ayay si toos ah uga shaqeyneysay arrimaha difaaca, iyadoo door muuqda ku lahayd diyaarinta iyo horumarinta qorshaha amniga qaranka ee lasoo bandhigay sannadkii 2023. Sidoo kale, waxay kaalin ka qaadatay dib-u-habaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2020.

Sidoo kale, Lataliye Jihaan Cabdullaahi Xasan waxay soo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee loo magacaabo Agaasime Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Sannadkii 2019-kii, taas oo muujineysa doorkeeda hoggaamineed iyo khibraddeeda sare ee dhanka difaaca iyo amniga qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Lataliyaha cusub ee Arrimaha Difaaca in ay ka shaqeyso dib-u-habaynta iyo horumarinta hay’adaha difaaca dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...