Dowladaha Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Horumarinta ee Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Chris Pycroft.

Kulankan, oo xooga lagu saaray xoojinta wada shaqaynta horumarka, ayaa looga hadlay hirgelinta Qorshaha Isbadelka Qaranka (NTP 2025-2029), kaasoo si rasmi ah loo daahfuri doono 17-ka Maarso, 2025.

Si gaar ah, kulanka waxaa diiradda lagu saaray doorka ay deeq-bixiyeyaashu ka qaadanayaan maalgelinta iyo taageerada mashaariicda muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay saameynta ay yeelan karto dhimista dhaqaalaha kaalmada horumarineed (ODA), iyo sida looga hortagi karo dhibaatooyinka ka dhalan kara isbeddelladan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Dowladda UK iyo bahwadaagta kale ee caalamiga ah dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Labada dhinac waxa ay isla garteen in si dhow loo wada shaqeeyo, si loo hubiyo in dhammaan dadaallada horumarineed ay waafaqsanaadaan Qorshaha Isbadelka Qaranka, loona xaqiijiyo in horumarka la gaari doono uu noqdo mid waara, wax-ku-ool ah, islamarkaana la wada faa’iidaysto.

Hirgelinta Qorshaha Isbadelka Qaranka waa tallaabo muhiim ah oo u horseedi doonta mustaqbal ifaya oo Soomaaliya kaga faa’iidaysan doonto iskaashiga caalamiga ah, si ay u gaarto yoolkeeda horumarineed.

Dowladda Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay la shaqeynta saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo horumar loo dhan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho 1- Madaxweyne Xasan...