Dowladaha Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Horumarinta ee Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Chris Pycroft.

Kulankan, oo xooga lagu saaray xoojinta wada shaqaynta horumarka, ayaa looga hadlay hirgelinta Qorshaha Isbadelka Qaranka (NTP 2025-2029), kaasoo si rasmi ah loo daahfuri doono 17-ka Maarso, 2025.

Si gaar ah, kulanka waxaa diiradda lagu saaray doorka ay deeq-bixiyeyaashu ka qaadanayaan maalgelinta iyo taageerada mashaariicda muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay saameynta ay yeelan karto dhimista dhaqaalaha kaalmada horumarineed (ODA), iyo sida looga hortagi karo dhibaatooyinka ka dhalan kara isbeddelladan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Dowladda UK iyo bahwadaagta kale ee caalamiga ah dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Labada dhinac waxa ay isla garteen in si dhow loo wada shaqeeyo, si loo hubiyo in dhammaan dadaallada horumarineed ay waafaqsanaadaan Qorshaha Isbadelka Qaranka, loona xaqiijiyo in horumarka la gaari doono uu noqdo mid waara, wax-ku-ool ah, islamarkaana la wada faa’iidaysto.

Hirgelinta Qorshaha Isbadelka Qaranka waa tallaabo muhiim ah oo u horseedi doonta mustaqbal ifaya oo Soomaaliya kaga faa’iidaysan doonto iskaashiga caalamiga ah, si ay u gaarto yoolkeeda horumarineed.

Dowladda Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay la shaqeynta saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo horumar loo dhan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Difaaca XFS oo shacabka Ceeldheer ku dhiirigeliyay in ay ka qeyb qaataan isdiiwaangelinta doorashada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...

GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO

Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Gaashaandhigga oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Axmed...