Guddoomiye Abshirow oo Guddoomiyay Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedyada Caymiska

Date:

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga 6-aad kulankiisa afaraad.

Kulan ka qeybgalay 142-Xildhibaan, ayaa ajandihiisu ahaa Hindise Sharciyeedyada Shirkadaha Caymiska, Hay’adaha Maaliyadda, iyo Canshuuraha Dakhliga. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa ugu horeyn akhriyay hindise sharciyeedyadan, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay muhiimadda ay u leeyihiin dhaqaalaha Qaranka, mideynta canshuuraha, iyo kala soo tashiga ganacsatada Soomaaliyeed iyo qeybaha kale ee ay quseyso.

Sida uu xeerhoosaadka Golaha Shacabka qabo, marka hindise sharciyeedka uu maro akhrinta koowaad, waxaa laga reebay dood. Si kastaba, qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa su’aalo ku saabsan ahmiyadda hindise sharciyeedyadan iyo saameynta miisaaniyadeed ee ay leeyihiin weydiiyay wasiirka maaliyadda, isagoo ku wehliyay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted Her Excellency Sophie,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Saciid Maxamuud Axmed 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...