Xafiiska Adeegga Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Qaranka oo si rasmi ah looga Furay Dhuusamareeb

Date:

Xaflad lagu maamuusay daahfurka xafiiska bixinta adeegga diiwaangalinta iyo aqoonsiga qaranka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xafladda waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Qoorqoor, Maareeyaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Qaranka, Cabdiweli Cali Cabdulle, iyo xubno ka socday labada gole ee maamulka dowlad goboleedkaasi.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay maamulaha magaalada Dhuusamareeb, ururada bulshada, iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay xafladdaasi.

Madaxa Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Qaranka u qaabilsan dowladda, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, Garaad Cabdi Nuur Xasan ayaa ka warbixiyay hawlgallada hay’adda iyo dadaalka ay ugu jiraan in adeegyadaasi loo gaarsiiyo dhammaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...