MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA TRIPOLI EE DALKA LIIBIYA

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli, ku soo dhaweeyey madaxda sare ee dowladda Liibiya, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalkan sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Tripoli, waxa uu kulan la qaadan doonaa Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkan Mudane Maxamed Al-Manfi oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la daggaallanka tahriibta iyo dhammaystirka soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ay ku wajahayaan xabsiyada dalkaas.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...