Xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga arrimaha bulshada BFS oo dalka Rwanda kaga qeybgalay kulan muhiim ah

Date:

Wafdi ka socda Hayโ€™adda KMG Mareynta Daawada ee Wasaaradda Caafimaadka XFS, iyo Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa aqoon kororsi la xariira Mareeynta iyo nidaaminta daawada iyo agabka Caafimaadka u tagay Hayโ€™adda Cunnada iyo Daawada ee Ruwaanda (Rwanda FDA) iyo sidii Soomaaliya u hurmarin lahayd shuruucda lagu maareeyo daawada iyo sida ay Soomaaliya u saxiixi lahayd heshiiska lagu dhisay Heyโ€™adda Daawada afrika.

Wasaaradda Caafimaadka XFS, ayaa dadaal ugu jirta sidii si buuxda loogu shaqo gelin lahaa Heyโ€™adda Maareynta daawada Soomaaliya oo ka shaqaysa hubinta tayada, badqabka iyo waxtarka daawada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa kalsoonida suuqa iyo ganacsiga daawada iyo agabka Caafimaadka ee Soomaaliya, loogana ilaalin lahaa daawooyinka tayadoodu hoosayso.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Rwand FDA oo martigelisay shirka iyo Hayโ€™adda Horumarinta ee Midawga afrika (AUDA -NEPAD) oo fududaysay booqashadaan aqoon kororsiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale