Xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga arrimaha bulshada BFS oo dalka Rwanda kaga qeybgalay kulan muhiim ah

Date:

Wafdi ka socda Hay’adda KMG Mareynta Daawada ee Wasaaradda Caafimaadka XFS, iyo Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa aqoon kororsi la xariira Mareeynta iyo nidaaminta daawada iyo agabka Caafimaadka u tagay Hay’adda Cunnada iyo Daawada ee Ruwaanda (Rwanda FDA) iyo sidii Soomaaliya u hurmarin lahayd shuruucda lagu maareeyo daawada iyo sida ay Soomaaliya u saxiixi lahayd heshiiska lagu dhisay Hey’adda Daawada afrika.

Wasaaradda Caafimaadka XFS, ayaa dadaal ugu jirta sidii si buuxda loogu shaqo gelin lahaa Hey’adda Maareynta daawada Soomaaliya oo ka shaqaysa hubinta tayada, badqabka iyo waxtarka daawada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa kalsoonida suuqa iyo ganacsiga daawada iyo agabka Caafimaadka ee Soomaaliya, loogana ilaalin lahaa daawooyinka tayadoodu hoosayso.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Rwand FDA oo martigelisay shirka iyo Hay’adda Horumarinta ee Midawga afrika (AUDA -NEPAD) oo fududaysay booqashadaan aqoon kororsiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...