MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 6-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare shaqadii baaxadda lahayd ee ay qabteen intii lagu gudajiray kalfadhiyadii hore ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay howlgallada lagu xoreynayo goobaha ay Khawaarijtu kaga suganyihiin dalka, isagoo ammaanay Ciidamada Qalabka Sida, Xoogagga Difaaca Shacabka Soomaaliyeed ee Macawisleey iyo Ciidamada Daraawiishta Puntland ee naftooda u huraya adkeynta nabadgalyada iyo ilaalinta Qarannimada, isaga oo soo bandhigay khatarta argagixisada Daacish ee ku aaddan isu-socodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

โ€œWaxaan garab taagannahay Ciidamada dowlad goboleedka Puntland iyo shacabka deegaannadaas oo casharro lama illaawaan ah siiyay Khawaarijta Daacish. Waa dagaal xaq ah, anagana waajib ayay nagu tahay in aan garab istaagno walaalaheenna dagaalka ugu jira xoreynta iyo soo celinta karaamadeennaโ€.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiisyadii siyaasadeed ee Madasha Qaranka iyo ansixinta Baarlamaanka ee afarta cutub ee ugu horreeyay Dastuurka ay horseedeen hirgelinta qorshaha doorashooyinka tooska ah, lagana gudbayo doorashooyinkii dadbanaa ee caqabadda ku ahaa dowladnimada dalka, waxa uuna ugu baaqay Baarlamaanka in kalfadhigan lagu dhammeystiro cutubyada dhimman ee Dastuurka, si looga gudbo khilaafaadka curyaamiyey dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

โ€œWalaalayaal, dadka Soomaaliyeed annaga ayeey dhankeenna soo eegayaan, naguna aamineen waajibka ah in aan ka rarno meeshii ay ku raageen ee doorashada dadban. Waa inaan fursad u siinno in maskaxdooda xorowdo, fikirkooda xoroobo, ayna codkooda xorta ah ku soo doortaan ciddii matali lahayd. Waa garaad xumo inaan isku qancinno in loo laabto jidkii foosha xumaa ee magacaabidda iyo doorashooyinka dadbanโ€.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in guushii deyn cafinta kaddib ee dhammaadkii sanadkii 2023, xoogga la saaray sidii Soomaaliya ay uga faaโ€™iidaysan lahayd khayraadkeeda, waxa uuna sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax deyn ah qaadan muddadii la soo dhaafay, ayna ku dadaashay in ay beekhaansato oo isku maarayso dhaqaalaha ka yimaada canshuuraha ay bixiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna ku bogaadiyey ganacsatada iyo guud ahaan canshuur-bixiyayaasha Soomaaliyeed sida ay uga goโ€™an tahay horumarinta iyo xasilinta dalka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...