Madaxweynaha JFS oo khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyay furitaanka Baarlamaanka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhigii 6-aad ee golaha Baarlamaanka ayaa u jeediyey khudbada Madaxweynaha ee Dastuuriga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horayn golaha Baarlamaanka uga mahadceliyey shaqadii dhamaystirka dastuurka ee ay qabteen kalfadhigii 5-aad,sidoo kale Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray maamulka iyo Shacabka Puntland dagaalka ay kula jiraan kooxda daacish ee ka tirsan kooxaha Khawaarijta,dagaalkan ayaa si weyn loogu jabiyey kooxda Daacish,“ Waxaan garab taaga nahay Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ee u bareeray dagaalka xaqqa ah ee ay kula jiraan Khawaarijta Daacish, dowladda Fedaraalka Soomaaliyana waa ay garab taagan tahay Ciidamada iyo shacabka halganka ku jira ee deegaannada Puntland.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweyanaha ayaa mar uu ka hadlayey dhismaha Ciidamada ayuu madaxweynuhu caddeeyey in dowladdu ku guulaystay dhismaha Ciidanka Cirka iyo Ciidanka Badda oo hadda awood u leh in ay difaacaan Badda iyo cirkaba kuna filan yihiin,Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u istaagtay sidii loo ilaalin lahaa Badda loona joojin lahaa kalluumeysiga sharci darrada ah.”

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Shabaab kaas oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaadheen guul weyn si weyna looga sifeeyey gobolada dalka.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey in Soomaaliya Sannadkan gudihiisa laga dhisi doono xarun laga diro dayax gacmeedka,xaruntan oo noqon doonta tii ugu horaysay ee laga hirgeliyey geeska Afrika,”Sanadkaan dhammaadkiisa dalkeena waxaa laga tuuri doonaa Dayax gacmeed waana kii ugu horeeyey taariikhda ee waddan Afrika ah laga tuuro, xaruntii laga tuuri lahaana dhismaheeda ayaa socda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in taladu gacantooda dib ugu soo celisay Dowladdu dhowaana ay dooran doonaan shacabku Madaxdooda doorasho qof iyo cod ah,Madaxweyne Xasan Sheekh ”Maanta waxaan u joognaa in aan dadka Soomaaliyeed dib ugu celino xuquuqdii muwaadinnimo oo ay lahaayeen,si ay u soo doortaan cida hoggaamineysa.”

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...