Israel iyo Hamas oo maanta mar kale isweydaarsanaya maxaabiis

Date:

Lix maxbuus oo Israa’iili ah ayaa lagu wadaa in maanta lagu sii daayo Gaza, si loogu beddesho 602 falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa’iil.

Hamas ayaa haatan isu diyaarineysa wareejinta lix la haystayaal oo ah maxaabiis nool ,iyadoo uu socdo wajigii koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ee u dhexeeya kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay sii deyn doonto dhammaan haweenka iyo kuwa da’doodu ka yar tahay 19 sano ee la xiray tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2023.

Lixda Israel ee maanta la sii deynaayo waxaa kamid ah Avera Mengistu iyo Hisham al-Sayed,kuwaas oo la qabtay 2014 iyo 2015, ,kadib markii ay si iskood ah ugu gudbeen Gaza.

Afarta kale ee Omer Shem Tov, Eliya Cohen, Omer Wenker iyo Tal Shoam ayaa lagu qabtay dagaalkii 7 Oktoobar 2023.

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Laanqeyrta Cas ayaa hadda gaaray magaalada Rafah ee koonfurta Qaza halkaas oo maanta lagu sii dayn doono tiro maxaabiis ah.

Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa gudaha Daanta Galbeed ee Jenin iyo Hebron ku dilay laba carruur ah oo Falastiini ah, da’dooduna lagu kala sheegay 12 iyo 13 jir.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar...

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...