Wasiirka Dekedaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Amb. Alper Aktaş.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay qorshayaal lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarinta dekedaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo kabanaya burburka ka dhashay dagaallada iyo xaaladaha adag ee dalka soo maray.

Safiirka Turkiga ayaa xaqiijiyay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay ka taageerto Soomaaliya sidii loo gaari lahaa himilooyinka horumarinta dekedaha, iyadoo la adeegsanayo khibradaha iyo farsamooyinka Turkiga ee la xiriira maamulka dekedaha.

Dhinacyada ayaa sidoo kale isla gartay in Wasaaradaha Dekedaha ee Turkiga iyo Soomaaliya ay sii xoojiyaan iskaashiga, si loo horumariyo kaabayaasha dekedaha dalka, oo ay ku jiraan casriyeynta qalabka dekedaha, tababarka shaqaalaha, iyo taageerada farsamo ee dhinacyada maamulka iyo hawlgalada dekedaha.

Kulanka waxa qayb ka ahaa Ahmet Sami, oo ka tirsan maamuladda Shirkadda Albayrak, shirkad Turkiga laga leeyahay oo u xilsaaran horumarinta dekedda Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...