Wasiirka Dekedaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Amb. Alper Aktaş.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay qorshayaal lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarinta dekedaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo kabanaya burburka ka dhashay dagaallada iyo xaaladaha adag ee dalka soo maray.

Safiirka Turkiga ayaa xaqiijiyay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay ka taageerto Soomaaliya sidii loo gaari lahaa himilooyinka horumarinta dekedaha, iyadoo la adeegsanayo khibradaha iyo farsamooyinka Turkiga ee la xiriira maamulka dekedaha.

Dhinacyada ayaa sidoo kale isla gartay in Wasaaradaha Dekedaha ee Turkiga iyo Soomaaliya ay sii xoojiyaan iskaashiga, si loo horumariyo kaabayaasha dekedaha dalka, oo ay ku jiraan casriyeynta qalabka dekedaha, tababarka shaqaalaha, iyo taageerada farsamo ee dhinacyada maamulka iyo hawlgalada dekedaha.

Kulanka waxa qayb ka ahaa Ahmet Sami, oo ka tirsan maamuladda Shirkadda Albayrak, shirkad Turkiga laga leeyahay oo u xilsaaran horumarinta dekedda Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...