Wasiirka Waxbarashada XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Wasiirrada Dhaqanka ee Dunida Muslimka 

Date:

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Wasiirrada Dhaqanka ee Dunida Muslimka, oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Jeddah ee Boqortooyadda Sacuudiga.

Wasiir Faarax ayaa ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee xarumaha dhaqanka ee Soomaaliya, isagoo sheegay inay kaalin weyn ka qaataan taabbagelinta nabadda iyo ilaalinta hiddaha, dhaqanka, iyo ilbaxnimada hodanka ah ee dalka. Waxa uu sidoo kale xusay in xarumahaan ay si weyn uga shaqeeyaan ilaalinta aqoonsiga dhaqameed ee Qaranka iyo kor-u-qaadidda isfahanka bulshada.

Sidoo kale, wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimada xoojinta dhaqanka dunida Islaamka, isagoo taageeray yoolka istiraatijiyadeed ee ISESCO ee ku aaddan xoojinta midnimada dhaqanka dalalka xubnaha ka ah, gaar ahaan taageeridda xarumahooda dhaqanka iyo horumarinta farshaxanka.

Mudane Faarax ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in la aas-aaso hannaan iskaashi tacliimeed iyo cilmi-baaris u dhexeeya jaamacadaha iyo macadyada dhaqanka ee dalalka Islaamka, si loo xoojiyo aqoonta iyo waaya-aragnimada dhaqanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...