Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay Shirka Madal-Goboleedka Carabta oo lagu qabtay Kuwait

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa hoggaaminaya wafti ka socda dowladda Soomaaliya oo ka qeyb-galay Shirka 6-aad ee Madal-Goboleedka Carabta ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka (Arab Regional Platform for Disaster Risk Reduction), oo ka dhacay dalka Kuwait.

Guddoomiyaha ayaa madasha ka jeediyay khudbad iyo farriinta Soomaaliya ee ku aaddan shirka, isagoo ka hadlay xaaladaha iyo caqabadaha ka jira Soomaaliya ee la xiriira yareynta khataraha musiibooyinka. Wuxuu si faahfaahsan uga warbixiyay sidii loo xaqiijin lahaa tiirarka heshiiska Sendai Framework 2015-2030, isagoo ku booriyay ka qeyb-galayaasha in la xoojiyo dadaallada lagu yareynayo khataraha musiibooyinka.

Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sidoo kale la wadaagay ka qeyb-galayaasha shirka waayo-aragnimada Soomaaliya ee la tacaalidda musiibooyinka, iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiye kuxigeenka Hay’adda SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa isna shir doceed ka gaaray heerka ay dalalka Carabtu ka marayaan fulinta heshiiska Sendai Framework for DRR 2015-2030. Shirkan ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka dalalka Carabta ee ku aaddan yareynta khataraha masaa’ibta.

Agaasimaha Waaxda Yaraynta Khataraha Musiibooyinka ee SoDMA, Khadar Sh. Maxamed, ayaa ka qeyb-galay doodo lagu falanqeynayay arrimaha khasaaraha iyo waxyeellada ka dhalatay isbeddalka cimillada.

Sidoo kale, Madaxa Genderka ee Hay’adda SoDMA, Xaliima Yuusuf Sheekh Xasan, ayaa warbixin ka soo bandhigtay u adkaysiga bulshada u nugul musiibooyinka, iyadoo gaar ahaan diiradda saartay dumarka, carruurta, iyo dadka da’da ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Martigelisay kulan Afur ah

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay Cashadii...

Mareykanka iyo Israa’iil oo duqeymo ka geystay Iiraan

Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka...

Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Türkiye, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii...

Degmada Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...