Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay wiil 13jir ah oo la dhibaataysan DAB uu ku gudbtay

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa ku qaabilay dhibane Cabdisalaam Axmed Xasan oo ah wiil 13-jir oo mudo Hal-sano ah la xanuunsanayo dhibaato kasoo gaartay DAB uu ku gubtay oo saameeyay qeybo ka mid ah jirkiisa.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa warbixin ka dhageystay Aabe Axmed Xasan Cumar oo ah Aabaha dhalay dhibane Cabdisalaam, isaga oo sheegay in xaalada caafimaad ee wiilkiisa aan wadanka gudihiisa waxba looga qaban karin, islamarkaana aysan awoodin in ay caafimaad dibada ah la raadiyaan maadaama uu sheegay in ay yihiin qoys dan’yar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa balan qaaday in uu garab istaagi doono sidii wax looga qaban lahaa xaalada Cabdisalaam, isaga oo eebe ugu baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...