Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Labaad oo maanta furay Shirweynaha Shanaad ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed

Date:

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta furay Shirweynaha Shanaad ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho .

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen 320 ergo oo ka kala socda Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir iyo wakiillo matalaya 12-ka urur oo shaqaalaha Soomaaliyeed ah, ayaa maalmaha uu socda looga arrisan doonaa difaaca xuquuqda shaqaalaha iyo madal istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimoqraadiyadeed ee gudaha, laguna adkaynayo midnimada shaqaalaha, la dagaallanka caddaalad-darrada, horumarinta dimoqraadiyadda, kor u qaadidda shaqo abuur, iyo horumar qaran oo ku dhisan sinnaansho iyo caddaalad bulsho.

Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa sheegey in uu ku faraxsanahay in Madaxweynaha JFS uu maalmo ka hor saxiixay Sharciga Shaqada ee dib u eegis lagu sameeyay, 52 saso kaddib, taas oo guul muhiim ah u ah shaqaale weynaha Soomaaliyeed.

Waxa uu si lamid ah xusey in Xukuumada DanQaran ay ka go’an tahay hirgelinta Barnaamijka Shaqo Wanaagsan (Decent Work Country Programme) oo ah mid mudnaan sare u leh Soomaaliya, si loo xaqiijiyo in koboca dhaqaalaha uu la jaanqaado fursado shaqo ee dalka ka jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...