Khawaarijta Daacish oo markale jab xooggan lagu gaarsiiyay gobolka Bari

Date:

Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa saakay fashiliyay weerar ay khawaarijta naf lacaariga ah ee Daacish ku soo qaadeen fariisimaha ciidamadu ku leeyihiin buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Khawaarijta Daacish oo jab xooggan lagu gaarsiiyay deegaannada Haraaryo iyo Togga-Jaceel ayaa meydad badan kaga cararay halkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ciribtirka Khawaarijta Daacish ee ka socda buuraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sii xoojiyay baaqa Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan howlgalka ka dhanka ah argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, isagoo bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen ciidanka iyo shacabka dowlad goboleedka Puntland.

Howlgallada ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa khawaarijta Daacish lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, waxaana lagu dilay horjoogayaal ajaaniib ah iyo malleeshiyaad tiro beel ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...