Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo kormeeray goobaha doorashooyinka ee gobolka Banaadir

Date:

Xubnao ka mid ah Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta kormeeray qeybo ka mid ah Seejooyinka loo asteeyey doorashooyinka degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kormeerka Guddiga ayaa daarranaa u kuur-galka diyaarinta goobaha loo asteeyay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banadir.

Xubnaha ka socday Guddiga intii ay ku guda jireen kormeerka waxay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta iyo dadweynaha ku nool degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Heliwaa,iyo Gubadlay.

Mas’uuliyiinta degmooyinka la kormeeray ayaa caddeeyey in ay diyaar u yihiin doorashooyinka Golaha Deegaanka in ay dadweynuhu soo doortaan.

Ugu dambeyn Xubnaha Guddiga ayaa u sharaxay dadweynaha muhimmada ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay doortaan madaxdooda, ayna haystaan maanta fursad ay ku xaqiijin karaan himiladooda ah in dalka ay ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah, oo laga gudbo nidaamkii doorashooyinka dadban

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...