Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo kormeeray goobaha doorashooyinka ee gobolka Banaadir

Date:

Xubnao ka mid ah Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta kormeeray qeybo ka mid ah Seejooyinka loo asteeyey doorashooyinka degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kormeerka Guddiga ayaa daarranaa u kuur-galka diyaarinta goobaha loo asteeyay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banadir.

Xubnaha ka socday Guddiga intii ay ku guda jireen kormeerka waxay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta iyo dadweynaha ku nool degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Heliwaa,iyo Gubadlay.

Mas’uuliyiinta degmooyinka la kormeeray ayaa caddeeyey in ay diyaar u yihiin doorashooyinka Golaha Deegaanka in ay dadweynuhu soo doortaan.

Ugu dambeyn Xubnaha Guddiga ayaa u sharaxay dadweynaha muhimmada ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay doortaan madaxdooda, ayna haystaan maanta fursad ay ku xaqiijin karaan himiladooda ah in dalka ay ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah, oo laga gudbo nidaamkii doorashooyinka dadban

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...