Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo daah furay Mashruuca Ugbaad oo lagu horumarinayo beeraha

Date:

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac,ayaa maanta daah furay Mashruuca Ugbaad oo ah barnaamij lagu horumarinayo beeraha si ay ugu adkeystaan isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyadoo la ansixiyay 24-kii Oktoobar 2024 intii lagu jiray kulankii 40-aad ee Guddiga Sanduuqa Caalamiga ah ee Cimilada (GCF) oo ka dhacay Songdo, Koonfur Kuuriya.

Mashruucan waxa uu ujeedkiisu yahay xoojinta adkeysiga bulshooyinka iyo nidaamyada beeraha si ay ula qabsadaan isbeddelka cimilada, iyadoo la kaashanaayo dadaalada dib u habaynta dhulka si loo yareeyo saameynta taban ee cimilada. waxaana ka faa’iideysan doono ku dhawaad 2 milyan oo qof, wuxuuna taageeri doonaa dib u soo celinta iyo maareynta waarta ee dhul wax soosaar leh.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ah Wasiirro ka tirsan xukuumadda , safiirro iyo masuuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...