GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO DAAHFURAY MASHRUUCA GOLE-KAAB.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay furitaanka mashruuca Gole-Kaab oo isku xiri doona Golaha Shacabka iyo bulshada rayidka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo si rasmi ah u daahfuray mashruucan ayaa marka hore bogaadiyay ururada bulshada rayidka oo soo qaban qaabiyay iyo dhinacyada ka taageeraya ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay in ururada bulshada rayidka laga qeyb geliyo kulamada Golaha Shacabka si ay goobjoog ugu ahaadaan shuruucda uu Golaha ka doodayo maadaama Golaha Shacabka uu matalo shacabka Soomaaliyeed.

Furitaanka Mashruuca Gole-Kaab waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka iyo safiir kuxigeenka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...