GUDDIGA HEER WASIIR EE MAAREYNTA ISTICMAALKA KHALDAN EE BARAHA BULSHADA OO KULAN YEESHAY

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Heer ee Wasiir ee Ka Hortagga Isticmaal Xumada Baraha Bulshada.

Shirkan ayaa daba jooga sidii loo fulin lahaa qaraarkii ka soo baxay Golaha Wasiirrada bishii hore ee la xiriiray maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada oo dadka qaar ay u adeegsadaan kicinta, hurinta colaadaha iyo arrimo kale oo anshaxa ka baxsan.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adaha kala duwan ee garsoorka ay ka go’an tahay in iyadoo la dhowrayo xoriyadda fikirka, haddana bulshada laga ilaaliyo wax kasta oo khatar gelinaya amniga, wadajirka, anshaxa wanaagsan iyo dhaqanka ay ummadda leedahay.

Shirkan ayaa lagu go’aamiyay in si degdeg ah loo guda galo fulinta qodobadii ku xusnaa qaraarka Golaha Wasiirrada ee maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...