Wasiiru Dowlaha Beeraha XFS ka qeyb galay Shirka Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta 

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xil. Asad Abdirasaaq Maxamed, ayaa ka qeyb galay shir muhiim ah oo ka dhacay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar, shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta. Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda kor u qaadaya wax-soosaarka beeraleyda Carabta.

Intii uu shirka ku jiray, Wasiir Asad wuxuu kulamo doceedyo la yeeshay Wasiirada Beeraha ee Masar iyo Ciraaq. Wuxuu Wasiir Asad kala hadlay Wasiirka Beeraha Masar xoojinta xiriirka labada Wasaaradood, si kor loogu qaado aqoonta iyo khibradda beeraleyda Soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu kala hadlay Wasiirka Beeraha ee Ciraaq dib-u-soo celinta mashruucii hore ee Iraq-Som ee horumarinta beeraha.

Dhanka kale, Wasiir Asad iyo wafdigiisu waxay booqdeen xarumaha Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Sahayda iyo Ganacsiga Gudaha ee Masar. Kulamadaasi waxaa ka qayb qaatay Wasiir ku xigeenka iyo khubarada madaxda u ah xarumaha cilmi-baarista beeraha ee dalka Masar. Intaas waxaa dheer, Wasiir Asad wuxuu kala hadlay Wasiirka Ganacsiga ee Masar sidii dib loogu dhisi lahaa SILOS si loo horumariyo beeraleyda Soomaaliyeed, isagoo dhanka xoojinta wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Masar ka wada hadlay arrimo muhiim ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...