Wasiir Hawlaha Guud oo Kulanka la qaatay madaxa hay’adda TIKA ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, iyo Wasiir ku xigeenka Maxamed Cali Maxamuud, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud ku qaabilay madaxa hay’adda TIKA ee Soomaaliya, Zefar Esk.

Kulanka labada dhinac ayaa ahaa isbarasho iyo ka wada hadal sidii ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhismaha kaabayaal dhaqaalaha dalka, kor u qaadista aqoonta Injineerada Soomaaliyeed, iyo sidii loo horumarin lahaa shaybaarka hubinta tayada dhismaha ee Wasaaradda. Waxa lagu soo bandhigay qorshayaal cusub oo ku saabsan horumarinta kaabayaal dhaqaale iyo in la dhiirrigeliyo tababarka iyo xirfadaha farsamo ee loo baahan yahay si loo xoojiyo tayada dhismaha dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay qorsheyaal mustaqbalka ah oo ku saabsan iskaashiga labada dhinac si loo hirgeliyo mashaariic waaweyn oo wax ku ool ah, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaadan doona horumarinta dalka Soomaaliya. Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa muujisay diyaar garowgeeda ku aaddan sidii ay ugu sii dardargelin lahayd howlaha dhismaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, iyadoo ay TIKA kaalin muuqata ka qaadaneyso taageerada iyo horumarinta arrimahan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...