Guddoomiyaha BJFS oo saxiixay Buugga tacsida Marxuum Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay gogosha tacsida ee Allaha ha u naxriistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.Guddoomiyaha ayaa dhamaan ehelka, qaraabada, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si gaar ah uga tacsiyadeeyay geerida Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee muhiimka u ahaa nabadda iyo horumarka dalka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in geerida marxuumka ay tahay mid naxdin leh, isla markaana ay ummadda Soomaaliyeed ka maqantahay hoggaamiye dhaqameed mudan in la xuso, kaas oo ku suntanaa jacaylka dalkiisa iyo u-dadaalka dib-u-heshiisiinta iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale saxiixay buugga tacsida ee Allaha ha u naxriistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, isagoo muujiyay tacsiyadiisa iyo salaamihiisa qoyska marxuumka iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in geeridiisa ay ka dhigan tahay lumin weyn oo ku timaaday dhaqanka iyo nabadda bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii ducada u diray marxuumka, isaga oo Ilaah uga baryay in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed-na samir iyo iimaan ka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...