Safiirka Soomaaliya ee Masar kula la yeeshay Dhiggiisa Sacuudi Caraabiya

Date:

Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, Danjire Cali Cabdi Awaare, ayaa booqasho rasmi ah ugu tagay dhiggiisa, Danjire Cabdicasiis Al-Madar, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya u fadhiya Jaamacadda Carabta.

Kulanka labada Danjire ayaa looga wada hadlay xiriirka labada dal iyo wada-shaqaynta carbeed, iyadoo la isla gartay in si dhow loo xoojiyo iskaashiga iyo wada-tashiga arrimaha carbeed iyo kuwa gobolka.

Danjire Awaare ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudi Caraabiya taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya siiso, gaar ahaan mashaariicda horumarineed iyo maalgashiga ka socda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...