Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo tacsi ugu tagay Qoyska Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, ka dib geerida Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay madasha tacsida, ayaa sheegay in Ugaas Cabdi-Daahir uu kaalin muhiim ah ka qaatay nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo muujiyey jacaylkiisa iyo dadaalkiisa ku aaddan dib-u-dhiska dalka iyo dib-u-kabashada ummadda Soomaaliyeed.

“Ugaas Cabdi-Daahir wuxuu kamid ahaa tiirarka dhaqanka ee dhidibada u taagay dowlad-dhiska Soomaaliya. Wuxuu ahaa hogaamiye ka shaqeeyey sidii ummadda Soomaaliyeed mar kale u heli lahayd Qaran xooggan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha, isagoo tacsi u diraya ehelka marxuumka.

Mudane Xamsa, ayaa sidoo kale Alle uga baryey inuu marxuumka ka waraabiyo naxariistiisa Janno, wuxuuna ka codsaday samir iyo iimaan oo uu siiyo qoyska iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...