Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo tacsi ugu tagay Qoyska Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, ka dib geerida Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay madasha tacsida, ayaa sheegay in Ugaas Cabdi-Daahir uu kaalin muhiim ah ka qaatay nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo muujiyey jacaylkiisa iyo dadaalkiisa ku aaddan dib-u-dhiska dalka iyo dib-u-kabashada ummadda Soomaaliyeed.

“Ugaas Cabdi-Daahir wuxuu kamid ahaa tiirarka dhaqanka ee dhidibada u taagay dowlad-dhiska Soomaaliya. Wuxuu ahaa hogaamiye ka shaqeeyey sidii ummadda Soomaaliyeed mar kale u heli lahayd Qaran xooggan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha, isagoo tacsi u diraya ehelka marxuumka.

Mudane Xamsa, ayaa sidoo kale Alle uga baryey inuu marxuumka ka waraabiyo naxariistiisa Janno, wuxuuna ka codsaday samir iyo iimaan oo uu siiyo qoyska iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...