Raβiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daah-furay Qorshaha Istaraatiijiyadda Wasaaradda Amniga ee shanta sano ee soo socota ee ku aaddan amniga iyo xasilloonida dalka.
Qorshahan muhiimka ah oo u taagan in la xoojiyo awoodda heyβaddaha amniga, si loo xaqiijiyo nabadda loona abuuro jawi xasilloon ayaa u oggolaanaya shacabka Soomaaliyeed inay si nabad ah ugu noolaadaan, ugana qeyb-qaataan horumarka dalka.
Raβiisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sidoo kale ku booriyey Wasaaradda amniga iyo heyβaddaha kale ee ku shaqada leh inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hirgelinta qorshahan, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ay dowladda Federaalku la leedahay maamul-goboleedyada, heyβaddaha caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo guusha qorshahan.
