Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay la-taliyaha sare ee Arrimaha Booliska ee QM

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane General Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay La-Taliyaha Sare ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Booliska, Mr. Faisal Shahkar, oo ka socda Xarunta Dhexe ee Qaramada Midoobay (HQ New York).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan taageerada farsamada, horumarinta ciidanka booliska Soomaaliyeed, iyo qorshayaasha cusub ee lagu xoojinayo nabadgelyada dalka. Mr. Faisal Shahkar ayaa ammaanay dadaallada Wasaaradda Amniga ee ku aaddan sugidda amniga iyo dib-u-habaynta ciidanka booliska, isagoo ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, oo ay ku jirto tababarada iyo qalabaynta ciidanka.

wasiirka Amniga ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay bixiyaan, wuxuuna carabka ku adkeeyey muhiimadda wada-shaqeynta caalamiga ah ee amniga Soomaaliya. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Agasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Mudane Yusuf Ali, Lataliye Sare, Mudane Shouki Hayir, iyo sarakiil ka socday UN Police.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay...

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...