๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐˜…-๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ฏ ๐—ด๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee garsoorka dalka oo loo dhisayo qaab casri ah, kaas oo la jaan-qaadaya hannaanka lagu casriyeynayo garsoorka dalka.

Raโ€™iisul wasaaraha, ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan heyโ€™addaha garsoorka dalka, taas oo ah tallaabo weyn oo loo qaadday wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan heyโ€™addaha caddaaladda dalka.

โ€œHirgelinta dhismahani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaadday baahi-tirka hannaanka caddaaladda dalka oo ay haysteen dhibaatooyinka ay ka mid tahay xafiis laโ€™aan, tan oo ka dhigan tallaabo bilow u ah hannaanka casriyeynta caddaaladda dalka, iyo fududeynta adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeedโ€. Ayuu yiri raโ€™iisul wasaaraha.

Munaasabadda dhax-dhigga dhismaha garsoorka dalka, waxaa goobjoog ka ahaa, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan heyโ€™addaha caddaaladda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS oo ka qeybgalay Madasha Wasiiradda Beeraha adduunka.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS qeybgalay shir heer Wasiirro ah oo dalalka IGAD.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo booqday Dekadda caalamiga ah ee Tanger.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Federal Government of Somaliaโ€™s Weekly Briefing.

1- President Hassan Sheikh Mohamud opened the 3rd Congress...