Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Booqday Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Ciraaq

Date:

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa ku sugan Baqdaad isaga oo booqday Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Ciraaq. Booqashadan ayaa qeyb ka ah safar shaqo oo uu ku joogo dalka Ciraaq.

Booqashada Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya, waxaa ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq,Sarreeye Guud Cabdul Amir Al-Shammari, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Ciraaq, Dr. Ridwaan Xirsi.Kulankan ayaa ahaa fursad muhiim ah oo labada dhinac ay ku wada hadleen iskaashiga amniga, xoojinta xiriirka labada dal, iyo dadaallada wadajir ah ee lagu xoojinayo ammaanka iyo nabadgelyada gobolka, Iskaashiga Amniga iyo Xiriirka labada Dal.

Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, ayaa isla gartay muhiimadda iskaashiga amni ee labada dal, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa difaaca amniga iyo ka hortagga argagixisada. Waxaa sidoo kale la isla gartay tababarada ciidanka iyo kor u qaadista xirfadaha ciidamada booliska ee labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...