Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Booqday Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Ciraaq

Date:

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa ku sugan Baqdaad isaga oo booqday Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Ciraaq. Booqashadan ayaa qeyb ka ah safar shaqo oo uu ku joogo dalka Ciraaq.

Booqashada Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya, waxaa ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq,Sarreeye Guud Cabdul Amir Al-Shammari, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Ciraaq, Dr. Ridwaan Xirsi.Kulankan ayaa ahaa fursad muhiim ah oo labada dhinac ay ku wada hadleen iskaashiga amniga, xoojinta xiriirka labada dal, iyo dadaallada wadajir ah ee lagu xoojinayo ammaanka iyo nabadgelyada gobolka, Iskaashiga Amniga iyo Xiriirka labada Dal.

Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, ayaa isla gartay muhiimadda iskaashiga amni ee labada dal, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa difaaca amniga iyo ka hortagga argagixisada. Waxaa sidoo kale la isla gartay tababarada ciidanka iyo kor u qaadista xirfadaha ciidamada booliska ee labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa u...

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia...

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...