Madaxweynaha Soomaaliya oo ku biiray Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka Dalka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kusoo biiray madasha Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka Dalka, oo ka furmay magaalada Muqdisho. Shirweynahan ayaa looga hadlay horumarka garsoorka, sida loo xoojin karo madaxbannaanida garsoorka, iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan garsoorayaasha iyo hay’adaha garsoorka ee dalka.

Shirweynaha Garsoorka 7-aad, ayaa waxaa ka qeyb galaya, garsoorayaal, hay’adaha garsoorka, iyo Mas’uuliyiin sare oo ka kala socda dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah. Ujeedada ugu weyn ee shirweynahan ayaa ah xoojinta garsoorka Soomaaliya, dhiirrigelinta isla xisaabtanka, iyo kordhinta kalsoonida shacabka ee nidaamka garsoorka.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay kala duwanaanshaha iyo horumarka laga sameeyay garsoorka Soomaaliya,tan iyo markii uu xilka qabtay. Waxa uu soo hadal qaaday muhimadda ay leedahay in la xoojiyo madaxbannaanida garsoorka iyo in la taageero garsoorayaasha si ay ugu shaqeeyaan si cadaalad ah oo waafaqsan sharciga.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale dhiirrigeliyay in la sii xoojiyo taageerada iyo tababarka garsoorayaasha, isaga oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay in garsoorka dalka uu noqdo mid madax-bannaan oo ka madax bannaan faragelinta siyaasadeed iyo cadaadis kasta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay hay’adaha caalamiga ah ee taageerada siiya garsoorka Soomaaliya, isagoo sheegay in iskaashiga uu yahay mid muhiim ah si loo gaaro hormar waara oo dhinaca garsoorka ah. Sidoo kale, wuxuu ku booriyay garsoorayaasha inay ku dadaalaan sidii loo ilaalin lahaa cadaaladda iyo hufnaanta nidaamka garsoorka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...